WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi muxuu ka yidhi Xadhiga Boqor Buur-madow oo Hargeysa dhawaan lagu xukumay 3 Sano Xabsi ah-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka jawaabay u,aal ku saabsan xadhiga Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ah isimadda dhaqanka ee ugu caansan deegaanada Somaliland oo dhawaan Maxakamadda Hargeysa ku xukuntay 3 Sano oo Xabsi ah,kadib Socdaal uu ku tagay Degmadda Carmo ee Puntland.

Muuse Biixi oo ka hadlayey Xadhiga Buur-madow ayaa sheegay in ay dadku aad ula yaaban yihiin in Boqor Buur-madow oo kamid ahaa Dadkii olalalihiisa qaybta ugu weyn kasoo qaatay uu ku jiro Xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.Muuse Biixi oo arrintaas ka haldaya ayaa sheegay in uu Boqorku xidhan yahay isla markaana uu qabtay Sharciga xeer ilaalinta Somaliland na kusoo eedaysay dambi ilaa hadana uu sas u xidhan yahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuse Biixi wuxuu sheegay in Buur-madow uu Qaranka Somaliland Dambi galay waa suu hadalka u dhigaye balse muu sheegin dambigaas waxa uu yahay.

Boqor Buur-madow ooay Muuse Biixi isku beel yihiin isla markaana kamid ahaa isimadii doorashada Muuse Biixi sida weyn ugu dhex muuqday, ayaa waxaa lagu soo eedeeyay laguna xukumay inuu ka been abuurta Madaxweynaha Somaliland kadib markii uu socdaal ku tagay Puntlandi.

Boqor Buur Madow ayaa Maxkamada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex dhawaan waxa aymar kale ku ridday xukun 3 Sanno ah taas oo meesha ka saareysaa xukunkii hore ee ahaa 5 sanno ahaa.

 

SOMALI NEWS

To Top