WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulkii Galmudug oo qarka u saaran in uu burburo iyo Khilaafkii ugu adkaa abid oo ka dhex taagan-Warbixin+Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu mar kale khilaaf soo kala dhexgalay, iyadoo laba qeybood u kala baxeen madaxda sare ee maamulkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa saaka gaaray magaalada Cadaado oo horay u aheyd xaruntii KMG Galmudug, iyadoo dib mar kale u soo cusboonaaday khilaafkii horay u ragaadiyay maamulkaas.

Xubnahaan waxaa Garoonka Cadaado,kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug, masuuliyiin iyo qeybaha Bulshada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

labadan Mas’uul ayaa dhowaan shaaciyay inuu jiro khilaaf u dhaxeysa Madaxda Galmudug oo salka ku heysa isku darkii Baarlamaanka, awoodda oo hal dhinac noqotay iyo is bedel lagu sameeyay Dastuurka, kaddib markii Madaxweyne Xaaf uu muddo kororsaday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusmareeb Caasimadda Galmudug, iyadoo la  filayo inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirro cusub.

Xaaladda ayaa mareysa heerkii ugu sareeyay, waxaana fashilmay dadaalkii loogu jiray in khilaafka madaxda Galmudug xal loo helo oo ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo in magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ay laba dowladood ka sameysmaan oo mid waliba Galmudug sheeganeysa.

Dhanka kale 1

Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboledka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo maanta gaaray  magaalada Cadaado ayaa ka hadlay khilaaf soo kala dhex galay madaxda sare ee Maamulkaas.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in la marin habaabiyey dib u heshiisiintii ka dhexeysay Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna sidii loogu talo galay laga booday,isla markaana taasi ay dhalisay kala fikir duwanaansho Madaxda Sare e Galmudug ah.

“Madaxda Dowladda iyo kuwa Beesha Caalamka waxa ay isku dayeen in khilaafka jira la xaliyo balse waa ay ku guul dareesteen,waxaana laga booday habka awood qeybsigii ku jiray heshiiskaas”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

“Ma aqbali doono in qodobadii heshiiskaas laga boodo,Cadaado waa xaruntii Baarlamaanka Galmudug,runtii waxaa ii muuqato in Dastuurkii Galmudug ee lagu heshiiyey laga booday,waxana la doonayaa in Wasiiro aan la iskala tashan la magacaabo balse anaga ma aqbali doono wax aanan talo ku laheyn.” ayuu sii raaciyay warkiisa Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka mid ah Xubnaha dhaliilsan Siiyaasada Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,isla markaana garab taagnaa Maanta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilligii uu sheegayay in la la marin habaabiyey Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Hadalka ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa u muuqda mid sii xoojiyey khilaafka ka dhaxeeya madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Khilaafka ka soo cusboonaaday Galmudug ayaa waxaa uu yahay mid mar kale kala qeybin doono maamulka labada dhinac, sida muuqata in Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay weli yihiin kuwo isku dhinac ah, halka Madaxweyne Xaafna uu hada heysto Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir.

Dhanka kale 2

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay Khilaafka soo gala dhexgalay Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Wasiirka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay ay waday dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay Khilaafka soo gala dhex galay Madaxda Galmudug,islamarkaana Galmudug ay u baahan tahay in Madaxdooda ay is xaliyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in xilli ay waddeen dhexdhaxaadin in Magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen Madaxda Galmudug. Madaxda Galmudug ayaa kala gaaray Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.

Dhowaan ayaa  shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa uu ku sheegay isagoo jooga magaalada Cadaado in la marin habaabiyay heshiiskii ay hore u gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Hase yeeshee illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in laga yaabo inuu ku dhowaaqo isku shaandheyn uu ku sameeyo golihiisa wasiirada.

SOMALI NEWS

To Top