WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo sheegay wadadda kaliya ee Tukaraq Dowladda uga furan in ay tahay Ciidamo la kala dhex dhigo-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlayey Dagaalka Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ku dhexmaraya Maamul Gobaleedyadda Somaliland iyo Puntland waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay baaq nabadeed dirayso isla markaana ay markasta ku bixinayso juhudi iyo Dadaal dheeri ah sidii xabadda loo joojin lahaa shuruud la,aan isla markaana nabad looga dhalin lahaa deegaankaas iyo Maamuladda ku dagaalamayaba.

Madaxweyne Farmaajo oo uu u muuqday Hadalkiisa in uu aad uga walaacsan yahay xaaladda dagaalada soo laab laabtay ee deegaanka ku dhexmaraya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa uu sheegay in kaliya Dowladda Soomaaliya waxa dagaalkaas in ay kaga qayb qaadato xalkiisa uga hadhsan ay tahay in awood dowladnimo la isticmaallo isla markaana la kala dhex dhigo Ciidamo ,waa suu hadalka u dhigaye.

HALKAN KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA

SOMALI NEWS

To Top