WARARKA SOOMAALI

Daawo Muuqaal:Qaabkii uu u dhacay Weerar Argagixiso oo lagu qaaday Dalka Sweden iyo Boliska oo-Video

Booliska wadanka Sweden ayaa soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerar loo adeegsaday gaari weyn bartamaha magaalada Stockholm ayna ku dhinteen afar ruux 15 kalana ku dhaawacmeen.

Qofka loo soo qabtay weerarkan ayaa la sheegay inuu markii hore ka baxsaday ciidamada iyadoo rasaas ay isweydaarsadeen labo ruux oo kale oo weerarkan ku lug lahaa waxayna ciidamada Booliska ku soo qabteen ninkan duleedka waqooyi ee magaalada Stockholm halka loo yaqaan Marsta.

Wargeys ka soo baxa dalka Sweden Aftonbladet ayaa daabacay in qofka loo soo qabtay weerarkan uu dhaawac fudud soo gaaray waxana lagu qiyaasay da’adiisa 39 sano jir.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Weerarkan oo dhacay gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa gaari weyn oo la soo afduubtay waxaa uu ku ceyrsaday ama eryaday dad lugeynayay Klarabergsgatan kahor inta uusan ku dhicin mid ka mid ah dukaamada ku yaal deegaanka kadibna guban.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top