WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muudey oo Jawaari ku eedeeyay in uu jabiyey Sharciga Baarlamaanka Madaxweyne Farmaajana ugu baaqay in uu Maxakmad soo taago-Video

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka  Soomaaliya Cabdiweli Muudey oo goordhaw Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad sabab u noqdeen in uu maanta baaqdo kulankii Baarlamaanka.

Muudey ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari iyo Cawad ay ciidamo badan lasoo galeen xarunta Baarlamaanka ayna ku tunteen shuruucdii dalka u yaalay sidoo kale jabiyeen dastuurka iyo xeer hoosaadka Baralamanaka u yaala.

Waxa uu ugu baaqay Gudoomiye Muudey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee Dastuuriga dalka iyo tilaabo sharci ah laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top