WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Taliye yaasha Ciidamadda kala duwan oo Jawaari ku eedeeyay in uu ku tuntay Sharcigii Baarlamaanka isla markaana baadhitaan lagu wado-Video

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay Taliyaasha ciidanka Nabad Sugida, Milatariga , Booliiska iyo Asluubta, waxa ayna ka hadleen ciidankii maanta la sheegay in ay la wareegeen xarunta Golaha shacabka.

Taliyaasha ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya iyo kuxigeenkiisa labaad ee xadgudub ku sameeyeen laamaha amaanka ayna ciidamo hubeesan aan la isla ogeyn la galeen xarunta golaha shacabka.

Waxa ay sheegeen Taliyaasha in Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa ciidamo ay wateen xoog ku galeen xarunta Baarlamaanka khal khalna abuureen, waxa ayna xuseen in ciidan xiran dareeska Milatariga balse aan la aqoon halka ay ka tirsan yihiin xarunta lala galay.

Taliyaasha ciidanka dowlada ayaa sheegay in baaritaano lagu sameenayo Ciidamadan hubeesan ee maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku qabsaday xarunta Golaha Shacabka.

Shirkii la filayay in ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta baaqday kadib markii la sheegay in xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo hubeesan oo ka amar qaata Gudoomiyaha mooshinku ka yaalo ee Jawaari.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top