WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo maanta kusoo qulqulaysa Muqdisho kadib qalalaasihii Siyaasadeed ee dhacay-Akhriso

Warar saacadihii la soo dhaafay isa soo tarayay ayaa sheegaya in wafdi ka socda Beesha Caalamka ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaasoo doonaya inay xal u raadiyaan xiisada siyaasadeed ee ragaadisay dowladda Soomaaliya.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in xubno ka socda dowladaha daneeya Soomaaliya ay u badan tahay inay maanta soo gaaraan Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya inay la kulmi doonaan dhinacyada kala duwan ee xiisada siyaasadeed u dhaxeyso, sida Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnahan lagu wado inay maanta imaadaan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay xiriiro ay la soo sameeyeen dhinacyadan is haaya, isla markaana ay ku taliyeen in si hoose loo xaliyo kala aragti duwnaashaha taagan.

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xarunta Xalane ayaa la sheegay inay wax xal ah ka gaari waayeen khilaafka siyaasadeed, waxaana xafiisyadooda si is-daba joog u gaarayay farriimaha ka imaanaya dhinacyada khilaafka u dhaxeeyo.

 

SOMALI NEWS

To Top