WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Magaalooyinka Sacuudiga oo markii ugu horeysay laga furayo Shineemooyin iyo Dumarka oo murxum la,aan-Video

Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay mudo tobanaan sano ah dalkiisa ka furaya Shineemooyin labada todobaad ee soo socda.

Arintani waxay qayb ka tahay heshiis Sucuudigu la galay AMC oo ah shirkadda ugu wayn dunida ee shineenooyinka oo bixisay ruqsadihii ugu horeeyey ee shineemooyin magaceeda ku shaqeeya lagaga furayo Sucuudiga.

Sida qorshuhu yahay AMC ay shan iyo toban magaalo oo Sucuudiga ku yaal ka fureysa afartan Shineemo shanta sanadood ee soo socda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sanadihii Todobaatanaadkii waxaa dalkaas ka jiray shineemooyin laakiin waxa la xiray markii saamaynta wadaadada Muslimiinta ah ee mayalka adag ay ku xoogaysatay dalkaas.

Saraakiisha Sucuudigu waxay leeyihiin in dalka laga furo baayac mushtarka madadaaladu, waa arin muhiim ah oo qayb ka ah qorshaha himilada dib u habaynta dhaqaale iyo bulsho ee loo bixiyey hiigsiga 2030-ka.

SOMALI NEWS

To Top