Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Muudey oo goordhaw Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad sabab u noqdeen in uu maanta baaqdo kulankii Baarlamaanka.
Muudey ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari iyo Cawad ay ciidamo badan lasoo galeen xarunta Baarlamaanka ayna ku tunteen shuruucdii dalka u yaalay sidoo kale jabiyeen dastuurka iyo xeer hoosaadka Baralamanaka u yaala.
Waxa uu ugu baaqay Gudoomiye Muudey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee Dastuuriga dalka iyo tilaabo sharci ah laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa .
HALKAN KA DAAWO VIDEO
