WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muudeey oo wata Ciidamadii ugu badnaa iyo Gaadiid Dagaal ayaa hada soo gaadhay xarunta Baarlamaanka-Video

Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa hada ku sugan Xildhibaano labo garab u kala jaban, waxaana wali aan bilaaban kulanka Baarlamaanka oo la filayo in looga doodo mooshinka Jawaari laga soo gudbiyay.

Wariyaasha ayaan wali loo fasaxin in ay gudaha u galaan xarunta Baarlamaanka, waxaana gudaha xarunta Baarlamaanka iyo waxa ka socda si toos ah usoo tabinaya Xildhibaanada oo Wariyaal isku bedelay.

Muuqaalo iyo Sawiro lagu baahiyay Baraha bulshada iyo Websetyada qaar ayaa waxaa soo duubayay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan xarunta Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanada qaarkood khadka soo galayaan iyaga oo Live ku jira.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaanada ugu badan ee Muuqaalada iyo sawirada soo gudbinaya ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa taageersan Gudoomiye Jawaari, waxaana la arkayay Muuqaalo ay soo duubeen iyaga oo eedeenaya Madaxweynaha iyo Xukuumada.

Xildhibaanada Muuqaalada soo duubay qaarkood ayaa ka careesnaa in gudaha xarunta ciidamo booliis ah lasoo galiyo, waxa ayna Xildhibaanadan sheegayaan in xrunta ka socoto waxa ay ugu yeereen afgamnbi.

Xarunta Baarlamaanka ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa ka socda sawaxan aan badneyn oo ay sameenayaa Xildhibaano taabacsan Gudoomiyaha Baarkamanaka Jawaari kuwaa oo kasoo horjeeda mooshinka.

SOMALI NEWS

To Top