WARARKA SOOMAALI

Ciidamo Taabacsan Gudoomiye Jawaari oo la sheegay in ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka Soomaaliya-Akhriso

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan gudaha xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in ciidamo hubeesan oo taabacsan Gudoomiye Jawaari gudaha usoo galeen xarunta Baarlamaanka lana wareegeen.

Xildhibaan Cabdirashiid Gaboobe oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw Warbaahinta u sheegay in Gudoomiye Jawaari ciidamo badan lasoo galay xarunta Baarlamaanka lana wareegeen .

Waxa uu sheegay Xildhibaanada in Ciidamada Jawaari uu wato ee la wareegay xarunta Baarlamaanka caqabad yihiin in kulanka Baarlamaanka furmo ayna Xildhibaanada ka doodaan mooshinka laga keenay.

Sidoo kale Xildhibaan Ubax Tahliil oo iyana kamid ah Baarlamaanka ayaa sheegtay in Ciidamo ay wataan Jawaari iyo Cawad la wareegeen xarunta golaha shacabka, waxa ayna sheegtay in arbushaad ka wadaan gudaha xarunta Baarlamaanka.

Ubax Tahliil ayaa sheegtay in Ciidamo taabacsan Jawaari ay gudaha ugu jiraan xarunta Baarlamaanka sidoo kale kor ka saaran yihiin dhismaha Baarlamaanka, waxa ayna xustay in Jawaari diiday in ciidanka meesha ka saaro.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in hada banaanka uga soo baxeen xarunta Baarlamaanka kadib markii ciidamo hubeesan qabsadeen xarunta, waxa ayna sheegtay in uusan Jawaari awood ciidan uusan kursiga ku joogi karin.

Marka laga soo taagay hadalada Xildhibaankan iyo Xildhibanao kale oo iyana Warbaahino kala duwan  la hadlay ma jirto cid madax banaan oo noo xaqjiisay in ciidamada taabacsan Jawaari la wareegeen xarunta golaha shacabka.

Ciidamo ay wataan Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad Cawad ayaa gudaha u galay xarunta Baarlamaanka, waxa ayna arintaasi xiisad ka dhax abuurtay Xildhibaanada xarunta ku sugan.

SOMALI NEWS

To Top