WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muqdisho Taliyihii Xabsiga dhexe oo shaqadii laga joojiyey kadib markuu ku kacay tallaabo naxdin leh oo hadal hayo-Video

Muqdisho (HM)-Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyaha Xabsiga Dhaxe ee Xama Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile , oo lagu eedeeyay in bukaan kala baxay Isbitaal uu ugu geeriyooday daryeel la’aan.

Afhayeen Ciidanka Asluubta Soomaaliya G/le Sare Cabdiqani Maxamed qalaf oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa xaqiijiyay in shaqo joojin lagu sameeyay taliyihii xabsiga dhaxe ee Xamar.

HALKAN KA DAAWO

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay socdaan baaritaano ku aadan sida uu u geeriyooday Maxbuuskii laga soo saaray isbitaal gaar loo layahay, waxa uuna beeniyay in maxbuuska ku geeriyooday Xabsiga Dhaxe isagoona xusay in uu ku geeriyooday Isbitaalka Martiini.

Afhayeenka ayaa cadeeyay in ay socdaan baaritaano ku aadan kiiskan iyo sida ay wax u dhaceen, waxa uuna ka codsaday Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed in aysan buun buunin arintan inta ay baaristu socoto.

Maxbuuska geeriyooday ayaa la sheegay in taliyaha Xabsiga Dhaxe Jeneraal Xirsiile uu si xoog ah uga soo saaray Isbitaal gaar loo leeyahay oo la geeya,y isagoona dib ugu celiyay Isbitaalka Martiini oo markii hore ku jiray halkaas uu ku geeriyoosay maxbuuska.

SOMALI NEWS

To Top