WARARKA SOOMAALI

Ciidamadda Liyuu Booliska Soomaali Galbeed oo shacab ku laayey deegaano hoos taga Soomaliland.

Hargeisa  ( HM ) Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad Degaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay dad Shacab ah oo ku sugnaa degaanka Allay-baday oo hoos taga Degmada  Gabilay, waxaana la sheegay inay Halkaasi ku geeriyooday dhowr qof oo shacab ah.

Ciidankan ayaa kasoo galay xadka  ay wadaagaan Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalidu  ee ku taalla Allaybaday, lama garanayo sababta uu ciidankaasi usoo galay magaalada Allaybaday iyo sababta ay rasaasta ugu fureen dadka.

Waxaana Arrintan ayaa ka dambeysay markii muran uu dhexmaray ciidamada iyo dadka rayid ah, taasoo keentay in Ciidamada liyuu Boolis ay furaan rasaasta waxyeelada geysatay

Dadka geeriyooday ayaa waxa ku jira wiil dhallinyaro ah oo ay haleeshay rasaasta ciidankaasi ridayay, wiilkaasi oo lagu magacaabo Naasir Cabdi Aadan, sida uu xaqiijiyey guddoomiye-ku-xigeenka degmada 26-juun ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil, oo abti u ahaa marxuumka geeriyoodday.

Guddoomiye Muxiyadiin Shiil ayaa Xusay  in dhaawaca wiilka uu abtiga u ahaa loola soo cararay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu markii dambena u geeriyooday. Wiilkan ayaa dhawaan kasoo qalinjebiyay jaamacad dalka dibediisa oo waxbarasho ugu maqnaa, sida uu sheegay Abtigii, Muxiyadiin Cabdi Shiil.

Ciidanka Somaliland ee ku sugan xuduudka ay labada dhinac wadaagaan ee ku yaalla Allaybaday, ayaan ka badnayn Afar askari, Kuwaais oo wax iska cabin ah aan samayn Karin.

SOMALI NEWS

To Top