WARARKA SOOMAALI

Boosaaso Ciidamada ammaanka Puntland oo fashiliyey Qaraxyo Miino oo lala damacsanaa Gobolka.

Boosaaso (HM) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta fashilisay

qaraxyo miino oo lagu aasay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa midka koowaad la dhigay meel ku dhow xarunta Goolis, halka midka labaad lagu aasay agagaarka hoteelka Jubba ee magaaladaasi.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ayaa kuu guuleystay inay soo saaraan miinooyinkaasi, kadib howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday howlgalkaasi muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanku ay si nabad ku qarxiyeen miinooyinkaasi.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa ku eedeeyey qaraxyadaasi inay aaseen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo mararka qaar weeraro ka geysta deegaanada maamulkaasi.

Xaaladda ayaa degan waxaana caadi ku soo noqday isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Muddooyinii dambe amniga Boosaaso ayaa ahaa mid xasilan, iyadoona ciidanka Booliska magaalada ay kordhiyeen howlgalladooda.

SOMALI NEWS

To Top