WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muqdisho Gabadh raadinaysa Hooyadeed oo Beesha Dhulbahante u dhalatay & Warar sheegaya inay heshay-Video

Ifraax Maxamuud Maxamed Siyaad waa Gabadh Soomaaliyeed  oo sheegtay inay u dhalatay  Beesha Abgaal / Warsan geli,  Kuna Nool magaalada Muqdisho Waxayna Raadinaysaa Hooyadeed oo ka Maqan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay ku sheegtay magaca Hooyadeed  Xaawo Aadan Haaruun, oo ay kala Maqan yihiin ilaa Sanadii 1995-tii, Iyadoo maqashay inay ku nooshahay Beled-xaawo, Waxayna sheegtay inay magacyada Abtiyaasheed ka maqashay  Xuseen aadan Haaruun ( Xuseen Dakhare )  iyo Maxamed Aadan Haaruun.

Waxay Bulshada Soomaaliyeed ka codsatay inay gacan ku siiyaan sidii ay ku heli lahayd Hooyadeed oo Mudo ay kala maqan yihiin.

Warar ayaa sheegaya inay Hooyadeed tahay Maxamed Garaad Bahararsame isla markaana ay heshay qaar ka mid ah Abtiyaasheed, Horufadhi ayaa waxa la soo xidhiidhay mid ka mid ah odayaasha beeshaas oo sheegay inuu garanayo cida gabadha dhashay oo ay tahay Bah ararsame Reer Samatar, waxii faah faahin ahna uu iyada la wadaagayo.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top