WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxda AMISOM oo raali galin ka bixiyey Askari ka tirsan Ciidamadda NISA oo ay dhawaan ku dileen Muqdisho-Video

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa raali gelin ka bixiyey dhacdadii 23kii bishan ka dhacday isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay is rasaaseyn ku dhex martay ciidamada Nabadsugidda Qaranka iyo kolanyo uu saarnaa Taliye ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Madeira waxa uu sheegay in Taliska AMISOM ay gar-waaq sanyihiin xanuunka ay leedahay in askari Soomaaliyeed oo gudanaaya waajibaadkiisa uu u naf waayo is-rasaasayn ku timi Isfahan darro iyo shil ka dhashay howlaha la xiriira sugidda ammaanka.

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay u hogaansamayaan natiijada ay soo saaraan guddiga baaritaanka ee loo xilsaaray arrinkan, iyagoona sidoo kale kaalin weyn ka qaadan doona sidii looga hor tagi lahaa dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo qeyb ka ahaa shirkan ayaa sheegay in ay waajib tahay in baaritaan hufan laga sameeyo shilkii dhacay,iyadoona laga duulaayo sidii loo cadeyn lahaa khasaarihii dhacay.

Wasiirka ayaa AMISOM iyo ciidanka Dowladda uga digay in ay ku lug yeeshaan fal danbe oo noocaan oo kale ah, isagoona sheegay in si weyn la isagala xisaabtami doono falalka sharciga aan waafaqsaneyn ee ay ku kacaan ciidamadu meesha ay doonaan haka tirsanaadeene.

HALAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top