WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Howlgalka oo-Video

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Socdaalka Xaaf ee Dhuusamareeb ayaa ah kii labaad, tan iyo markii Galmudug iyo Ahlusuna midoobeen, iyadoo bishii hore isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay isla tageen oo ahaa safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Gobolada dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Dhuusamareeb Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Xaaf ayaa ah sidii uu u dardar gelin lahaa barnaamijka isku dhafka Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, iyadoo la guda geli doono in isku daro Labada Baarlamaan, ciidamada labada dhinac la mideynayo iyo howlo kale.

Ahlusuna iyo Galmudug ayaa horay ugu heshiiyay inay ku midoobaan hal maamul, iyadoo la soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeeyay.

SOMALI NEWS

To Top