WARARKA SOOMAALI

Wada xaajoodkii u dhaxeeyay Ganacsatada Gobalka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda oo bur buray,maxaa dhacay-Akhriso

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu bur buray wada xaajoodkii u dhaxeeyay iyaga iyo Wasaaradda Maaliyadda ee la xiriira muranka ku saabsan canshuuraha lagu kordhiyay ganacsatada.

Cali Dhoore Xasan oo ah Guddoomyaha Guddiga Wada xaajoodka ee Ganacsatada ayaa sheegay in maalmo ka hor uu bur buray wada hadalkaas, isla markaana mas’uul ka tahay burburka wada hadalkaas Wasaaradda Maaliyadda.

Waxaa uu sheegay in Ganacsatada ay mar kale wada xaajood la furtay dowladda, si loo xaliyo cabashooyinka iyo muranka, balse maalintii u dambeysay ay burbureen wada hadaladaas sida uu yiri.

“Dowladda waxay na tiri albaabkaas waa xirmay, waana joojinay wada hadalka, anaga waxa aan rabnay inaan kala hadalno waa canshuurta saa’id ma Soomaaliya oo dhan laga hirgelinayaa mise Muqdisho ayay ku egtahay, asal ahaan anaga canshuur ma diidani, waxa aan ka hadleyno waa canshuuraha malaga qaadaa Dekedaha Boosaaso, Kismaayo iyo Berbera”ayuu yiri Cali Xasan Dhoore oo la hadlayay Idaacada VOA.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in canshuurta saa’id ee lagu kordhiyay Ganacsatada Gobolka Banaadir ay tahay mid gaar u ah in Ganacsiga Muqdisho uu qeyb xanibnaado.

 

Waxaa uu ka digay in hadii aan xal la helin inay dhici karana in suuqyo kale iyo dekedaha xirmaan, taasna ay saameyn ballaaran yeelaneyso, isla markaana uu xalka ku jiro in dib loo wada hadlo, wixii qaldan la saxo sida uu yiri.

Go’aan maalmo ka hor ay soo saareen Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga Baarlamaanka ayaa waxaa sharci darro lagu tilmaamay canshuurta Iibka 5%, isla markaana canshuur aanay soo marin Baarlamaanka aan la dhaqan gelin karin.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor shaqo joojin sameeyay, iyadoo la xiray qeybo ka mid ah Ganacsiga Suuqa Bakaaraha, kaddib markii ay ka soo horjeesteen 5% oo canshuur dheeraad ah lagu soo rogay badeecadaha ka soo dega Dekeda Muqdisho.

 

SOMALI NEWS

To Top