WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muqdisho Doorashadii Kursiga Beesha Gudabiirsi oo gacan ka hadal iyo Dagaal kusoo dhamaatay-Video+Warbixin

Doorashada kursi ka banaan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo  la filayay in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhamaatay Buuq iyo Gacan ka hadlay ay sameeyeen ergadii wax dooran laheyd.

Kursigan ka banaan aqalka hoose waxaa iska lahaa Beesha Samaroon (Gadabuursi), waxaana kursigan horey uga geeriyooday Saciid Xasan Geeddi, waxaa ku tartamayay labo Musharax oo kala ah Faatax Saciid Xasan Geeddi oo aabihii uu kursigan ka geeriyooday iyo Musharax C/raxmaan Axmed Ceynaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ergadii lagu waday in ay doortaan Xildhibaanka beeshooda ku matali lahaa Aqalka hoose ayaa waxaa dhax maray foodo iyo buuq sabab u noqday in ay baaqato doorashada maanta lagu waday in ay dhacdo.

Qaar kamid ah ergooyinkii ayaa isaga baxay hoolka doorashada, waxa ayna arintaas sabab u noqotay in doorashada dib loo dhigo maadaama uusan kooramka buuxin, Waxaana sidaas ku dhowaaqday Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey).

SOMALI NEWS

To Top