WARARKA SOOMAALI

Ciidamadda AMISOM oo war la yaab leh ka soo saaray Dilka Askarigii NISA ee Ciidankoodu toogteen

Taliska AMISOM ayaa war ka soo saaray dilkii habeen hore ciidankoodu ugu geysteen Magaalada Muqdisho Askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya oo ku sugnaa Bar control oo ku taalla agagaarka Km4 wadada garoonka Aadan cadde.

Falka dilka ah ayaa waxaa geystay ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya Jen. Paul Lokech ayaa sheegay in falka dilka ah uu dhacay markii loo diiday in maraan wadada, isla markaana ay waceen taliyeyaasha Hay’adda Nabad sugida ee halkaasi heystay.

“Shilka waxaa uu dhacay Markii ay xabadda bilaabeen ciidamo ka tirsan Nabad Suggidda Soomaaliya ee ku sugan Kontorolka, laakiin halkaasi waxaa ka dhashay Khasaare” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay taliyaha.

Jen. Paul Lokech ayaa sidoo kale xusay in israsaaseyn dhexmartay labada ciidan ay ku dhaawacmeen dad Shacab ah oo halkaas ka dhowaa.

Kolonyo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isku dayay habeen hore inay maraan barta Kontrol oo ku taalla wadada Garoonka Diyaaradaha, waxaana is hor taagay ciidanka NISA oo amar ka heystay saraakiishooda sare kaasoo lagu faray in wadadaas aysan cidna ka gudbi Karin illaa amar dambe, iyadoo xiligaas uu agagaarka madaxtooyada Somalia ka socday weerar ay soo qaadeen Al-shabaab.

AMISOM Waxay sheegtay in falka ay sameeyeen ciidamadooda uu muuqday mid isdifaacad ah.

Eheladda Askariga ay dileen ciidamada AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay inay doonayaan in caddaaladda la horkeeno Askartii ciidamada AMISOM ee falkaasi ka dambeeyay, iyagoo sheegay inaan la aasi doonin meydka askarigaas illaa cadaalada la horkeeno askartii dishay isagoo waajibaadkiisa gudanaya.

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka weli kama aanay hadlin falkan hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in ciidanka NISA ay baarayaan kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo ku dhegan barta control si ay xaqiiqada u ogaadaan.

SOMALI NEWS

To Top