WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Jabuuti oo Dalkeedaka caydhisay Shirkadda DP WORLD iyo Warbaahinta Horufadhi Media oo warbixin diiradda ku saartay-Video

Dawladda Jabuuti ayaa laashay Heshiiskii ay la gashay Shirkada DP WORLD ee dalka Imaraadka, Taasi oo horey ula wareegtay dekedda magaalada Berbera.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khaladaadka Heshiisku ku jiray waxaa kamid ahaa in Dawladda Jabuuti loo diiday maamulka iyo Maaraynta dekedda iyo inaan deked kale laga dhisi karin dalka Jabuuti.

Gudoomiyaha Dekeddaha Jabuuti Abuubakar Cumar Xadi ayaa ka warbixiyey Sababta keentay inay Dawladda Jabuuti Xidhiidhka u goysko Shirkadaasi. ” Meel aad leedahay Boqolkiiba 67 inuu kugu dul Xukumo midkii lahaa Boqolkiiba 33 waa wax aan la Aqbali karin, oo ka Hor imaanaysa Qaranimada Jabuuti. “ ayuu yidhi.

SOMALI NEWS

To Top