WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dhibaatadda iyo Khiyaamadda Shirkadda DP WORLD iyo Hagardaamada Dekeddaha Somalia-Video+Warbixin

Dowlada Jabuuti Ayaa ka baxday Heshiiska Ay kula Jirtey Shirkada DP WORLD Mudo  faro badan Markii Shirkada U Muuqatay Inay Bur Burinayso qaranimada Soomaaliya,Heshiiska jabuuti Iyo Shirkada Imaraadka Ee DP WORLD  Kaasi oo Ku saabsanaa Dekada Konteenarada Dooraale.

Khaladaadka Shirkadani samaysay ee dalka jabuuti ka Baxday waxaa ka Mid Ahaa Iyadoo  dalka jabuuti iska Leedahay lacagta Dekada la Galiyey Oo 67% jabuuti iska Leedahay halka Shirkada DP World iska Leedahay 44%.

Waxa Shirkadani Sheegtay Inay Iyadu gacanta Ku haynayso Maamulka Dekada Sidoo kale Inaan dalka Jabuuti wax dekad Ah laga Samayn karayn taasi oo qaranimada dalka jabuuti Meel Uga Dhacday,

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

Dalka jabuuti Ayaa laashay Heshiskaasi GuuD Ahaanba Ugana Baxday Shirkada Iyadoo  Loo celinayo “Share ka” Ay Leedahay Shirkadani dalka Imaraadka Carabta.

hadaba Shirkadani oo isku dayday inay jabuuti Afduubto waxa Su’al Ah Maxay samayn Doonta Soomaliland Iyo Puntland Oo Heshiis Kula Jirto,Khiyaanada Shirkadani waxay ka muuqanaysaaa Markii Itoobiya Ay Siisay saami ka Badan Dekada Ber Bera Inta Soomaliland Laga Siiyey.

Mudo badan Ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka Qeyliyeen Shirkadani Inay Doonayso Inay  Xoog Kula Wareegto Dekadaha dalka Soomaaliya Iyo jabuuti Si Ay Iyadu  Noqoto Mida Gacanta Ku haysa.

SOMALI NEWS

To Top