WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maydka Gudoomiyihii Gobalka Banaadir Yariisow oo Muqdisho la keenay iyo aas Qaran-Video

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan boqolaal ruux oo ka qeybgalaya aaska meydka Marxuum Yariisow kuwaasoo ay ku jiraan madaxda ugu sareysa dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Yariisow ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Doxa ee dalka Qadar kadib markii uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay dhowaan magaalada Muqdisho.

Eng. Yariisow   oo Aas Qaran loogu samayn doono Caasimadda dalkiisa,  waxaana lagu wadaa in lagu aaso qabuuro ku yaal dugsiga tababarka ciidamada Booliska General Kaahiye.

Dadkii ku tukaday janaazada meydka allaha u naxariistee Marxuum Yariisow ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Kheyre,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal,Guddoomiyaha Aqalka Sare Xaashi iyo mas’uuliyiin kale.

SOMALI NEWS

To Top