WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qoyska Eng Yariisow oo sheegay in Dad ku dhow ay dileen-Video

Muqdisho ( HM) Ehellada allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir Injineer Yariisow ayaa shaaca ka qaaday inay tuhmayaan in qaraxii lagu dilay marxuumka uu ahaa mid aysan ka dambeyn kooxda Al-Shabaab balse dad isaga ka ag dhowaa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Nabaddoon Axmed Maxamed Muuse oo adeer u ahaa Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii lagu dilay Yariisow uu ahaa mid gobolka dhexdiisa laga abuuray oo aysan jirin wax ka yimid meel banaanka ah.

Nabaddoon Axmed Maxamed Muuse ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in qaraxa lagu dilay uu ahaa mid ay fuliyeen dad cadow ku ahaa Yariisow oo ku dhex-jiray maamulka gobolka Banaadir, weliba isaga aad ugu dhowaa..

“Igaarkayga wuxuu ku baxay si cadownimo ah, si uusan mudneyn, waxaan ka rabnaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo dhammaan dadka kale ee Soomaaliyeed in la helo dadkii ka dambeeyey dilka Yariisow” ayuu yiri nabaddoonka.

“Waxaan qabnaa in dadka dilay ay ku dhex jiraan maamulka gobolka Banaadir, waxaana qabnaa in la marsiiyo wixii uu maray Injineer Yariisow wax kasii darran. Waxaan rabnaa caddaalad inuu helo” ayuu yiri Axmed Maxamed Muuse.

“Yariisow ma ahayn nin Soomaaliya baahi uu yimid, wuxuu dalkiisa ugu soo laabtay inuu dadkiisa wax u qabto, balse waxaa abaal looga dhigay in la dilo oo weliba ay dilaan dadkii isaga aadka ugu dhowaa.”

SOMALI NEWS

To Top