WARARKA SOOMAALI

Daawo Barnaamij Xasaasi ah:-Dalka Soomaaliya ma la qaadan karaa?-Video

Muqdisho (HM)-Warbaahinta Horufadhi Media Group qaybteeda Caalamiga ee Wararka Caalamka iyo Warbixinada Diblamasiyada ka hadasha ayaa waxaa ay bulshada Soomaliyeed waydiisay Su,aal ahayd ,,Dalka Soomaaliya ma la qaadan karaa?,,.

`Su,aasha in kastoo ay ahayd Barnaamij dheer oo jimcihi Hm kaga hadlaysay dalalka sida loo kala qaato Caalamka sida la isku fara maroojiye ee la isaga moora duugo Dalalka iyo Sooyaalka Taariikhda ayaa su,aashan ay qayb ka ahaydoo waxay ahayd Dalka Somaaliya ma jiraan Dalal qaadan kara ama usoo Hanqal taagaya?.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKA

Waxaase Cajiib ahayd in Warbaahinta Horufadhi ay ooda kusoo jabsadeen boqolaal ruux kusoo si isku mid ah uga jawabaya su,aasha marka hore iyaga oo leh,,Haa,, Soomaaliya waa la qaadan karaa!!.

Dadka Soomaaliyeed ee xidhiidhka lasoo sameeyay HM oo u muuqday kuwo aad mood inay jawaabta isla wada ogaayeen ayaa waxaa hadana cajiib ahayd sida uu u dhisnaa Garaadka dadku isla markaana ay uga faaloonayaan arrinta. Dadka ayaa marka ay ka sinadaan ,,haa,, hadana waxaa ay ku kala leexanayeen in kastoo ay aad iskugu dhaweeyeen isla markaana u muuqdeen kuwo markan soo jeestay ayaa waxay si toosa farta ugu fiiqayeen wadamo dhowr ah oo ay ku sheegeen inay yihin kuwo looga cabsi qabo inay Dalka la wareegaan hadii bay dhaheen aan Hangool faraaro leh la iskaga qaban.

Dalalka ay Shacabka Soomaaliyeed sida gaarka ah farata ugu fiiqeen ayaa waxaa kamid ah Dalalka Khaliijka oo dhan sida, Sucuudiga, Qatar  iyo imaaraadka kuwaasoo ku sheegeen kuwo kusoo haliilaya jiritaanka Soomaaliya isla markaana Dalkeena dushiisa isku haysta isla markaana usoo kala qamaamaya ku kala gacan sareynta Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay farta ku fiiqeen isla markaana bananka soo dhigeen damaca Dalalka Gobalka Geeska Afrika qayb kamid ah Itoobiya iyo Kenyaba ha ugu horeeyane waxaa ay sheegeen in aan indhaha laga qabsan karin damaca dalalkan oo ah mid qaawan isla markaana ubaahan ina Shacabka Soomaaliyeed ay ka feejignaadaan turanturooyinka iyo faraglinta dalalkan ay Soomaaliya ku hayaan.

Waxaan ka cudur daaranaynaa isla markaana aan Dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh ka raali galinaynaa, Dadka oo kumanaan ahaa inaan soo wada deyn kari waynay isla markaana wakhtiga Barnaamijka aan ugu tala galnay iyo Dadka ay soo hadlay ay aad u kala bateen!!.

SOMALI NEWS

To Top