WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maxaabiistii ugu dambaysay ee Soomaaliya oo laga soo daayay Xabsiyadda Dalka Hindia iyo Dowladda Soomaaliya oo talaabadaas lagu amaanay-Video

Maxaabiis Soomaaliyeed oo gaadheysa 76 oo ku xidhnaa xabsiyo ku yaal dalka Hindiya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

HALKAN KAD AAWO VIDEO

R/wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda ayaa  soo dhaweeyey maxaabiista Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay ee ku harsaneyd Hindiya, wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76-na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtay xabsiyada dalkaasi la soo daayay.

SOMALI NEWS

To Top