Hargeisa (HM ) Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay Wasiirkii hore ee Cadaaladda oo ah Nin dhalinyaro ah, Wuxuu u magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga, Iyadoo Xilkaasi laga Qaaday Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Masuuliyiin kale.
Cabdiqani Maxamuud Caateeye Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Somaliland, ayaa ugu horayn soo dhoweeyay Xilka loo magacaabay, Wuxuuna mar laga waydiiyey Waxa uga Qorshaysan Puntland oo Xiisad kala dhaxayso Somaliland ku Jawaabay.
“Puntland anaga waxba Nagama dhexeeyaan, Anagu Xadkayaga ayaanu Ilaashan doonaa, Puntland waa maamul wax noo dhigma maaha, Xadka Somaliland hadii Cidi Caaradeed loosoo Gudbbo waxa sharciga Somaliland dhigayo baa laga yeelayaa” Ayuu yidhi.