WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo sheegay sababta ay xiligan u kordhiyeen weerarada iyo Qaraxyada Muqdisho.

Muqdisho (HM)-Afhayeenka guud ee Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud (Sh. Cali Dheere) ayaa laga wareystay xaaladda amniga iyo sababta ay u kordhiyeen weerarrada ay ka geysteen magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay qorsheyaasha Alshabaab.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab uu muddo dheer soo taagnaa ujeedka loo laba-laabanayna ay tahay in dalka laga saaro gaalada iyo kuwa u shaqeeya sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray in dowladda iyo kuwa taageera ay isugu tageen caasimadda, sidaasina loo beegsanayo.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa la weydiiyey sababta ay u weeraraan hoteelada magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in hoteelada ay weerarraan aysan ahayn hoteelo ee ay sitaan magac hoteel, balse ay yihiin xero ciidan, taasoo uu sabab uga dhigay inay ku wareegsan yihiin dhufeysyo, ayna ilaaliyaan ciidamo fara badan, wuxuu kaloo sheegay in madaxda dowladda ay xafiisyo iyo guryo u yihiin hoteeladaasi.

Afhayeenka Shabaab ku dooday in gaalada ay meel kasta ku weerarrayaan, hoteel kasta oo ay soo dagaan mas’uuliyiinta dowladdana ay og yihiin, wuxuuna uga digay dadka leh Hoteelada inay iska fogeeyaan dadkaasi, balse haddii ay kasoo buuxiyaan inay weerarri doonaan sirdoonkooduna ogyahay.

Gadoodka ciidamada dowladda ayuu Sheekh Cali Dheere sheegay in dhaqaalahooda ay lunsadeen madaxda qurbaha ka timid, mas’uul kastana uu dhaco wixii loogu dhiibo kuwii ka hooseeya.

 

SOMALI NEWS

To Top