WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo goordhow ku dhaawaaqday in xaalad deg deg ah lagu soo rogay Magaalada Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa Caawa shaaciyay in Magaalada Muqdisho uu ka bilowday howlgalo culus,kadib markii mudooyinkii dambe ay ka dhaceen falal amni daro.

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in howlgalkan inta uu socdo dadka shacabka loo baahan yahay inay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga,isla markaana dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay guri guri u baari doonaan si loo xaqiijiyo amniga,isagoo shacabka ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan inta uu howlgalkaas socdo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Eng Yariisow in Wadooyinka qaar ay la xiri doonaa inta howlgalka socdo,hayeeshee dadka xanuunsana maamulka Gobolka Banaadir uu u diyaariyey gaadiid gurmad deg deg ah oo lagu qaadi doono.

SOMALI NEWS

To Top