WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mahdi Guuleed oo yidhi“aragtida midnimada iyo kala tagga waa fikir dadka Somaliland ku kala duwan yihiin,,-Video

Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in aragtida ah ku saabsan Midnimada iyo kala tagga ay ku kala duwan yihiin dadka ka soo jeeda Somaliland.

Mahdi Guuleed oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in 30-kii sano ee ugu dambeeyay aragti ahaan la qabo madax banaanida, halka dadka kalena ay qabaan aragti taa ku duwan, isla markaana ay weli meeshi taagan tahay oo aan lagu guuleysan in la helo madax bannaani sid auu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Dunida Hal dal ayay aqoonsan tahay oo aan baasaboorkiisa ku safarno, shahaadooyinkiisa la tastiiqiyo, haddii la wada jirayo waa in sifo iyo sharci dastuuri ah ku dhisan oo loo wada hadlo, qofka aragtidaas qaba u ogolaado qofka aragtida ka soo horjeeda qabo, 30 sano ayaa mareynaa, maxaa xal ah waa in la furaa doodo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la furo wada hadalo dhab ah, isla markaana la dardar geliyo, isagoo xusay in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu soo magaacabay Guddiga Dhab u heshiisiinta iyo wada hadalada dowladda Federaalka iyo Somaliland, shaqadooda tahay in gogol la dhigo.

Mr Guuleed ayaa sheegay in wax walba oo ay ku qanci karaan Somaliland la sameyn doono haddii ay daneynayaan in gogoashaas ka soo qeyb galaan Beesha Caalamka oo ay noqoto mid laga soo saaro Tub ama Road Map ku saabsan wada hadaladana lagu heshiiyo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa dhowaan ku gacan seyray Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in dagaal dhaqaale iyo mid siyaasadeed ay ku soo qaaday Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top