WARARKA SOOMAALI

Musharaxii Khayre ee Jubaland oo cabsi xoogan ka muujiyey inuu Kismaayo tago kadiban iskaga baqday-Akhriso

Muqdisho (HM)-Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay inuu ka baaqday Safarkii ku aadi lahaa magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu waday inuu kaga dhawaaqo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Jubbaland.
Mr Oomaar oo todobaadkan isu qaban qaabinayay safar uu ku tago Kismaayo ayaa sheegay inuu uga baaqday si uu uga fogaado iska hor imaad dhaco, sida uu hadalka u dhigay.

“Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hor imaad u dhaco, Qof isku dayay inuu i soo qaado ma jiro. Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan la is ilaalsho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin ilaah ka sokow”ayuu yiri Mr Oomaar qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaa uu sheegay in awood uu Jubbaland ku tago uusan weyn, balse uu garawsaday mas’uuliyadda isaga saaran sida uu hadalka u dhigay.

“Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran, Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland Kama dhici doono Caqliga ha shaqeeyo”ayuu yiri.

Maxamed C/llaahi Salaad ayaa ka mid ah ragga la hadal hayay ee ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Jubbaland, hase ahaatee waxaa soo baxayay warar sheegaya inay saameyneyso mid ka mid ah shuruudaha uu soo bandhigay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

 

SOMALI NEWS

To Top