WARARKA SOOMAALI

Xaaji 130 sano jir ah oo sanadkan gudanaya waajibaadka xajka-Sawiro

Laascaanood (HM)-Oday 130 sano jir ah oo u dhashay dalka Indonisia ayaa kamid noqday xaajiyaasha sanadkan gudanaya waajibaadka xajka sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Sacudi Carabiya SPA.

Ohi Aidros Samri ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha ee King Abdulaziz International iyadoo ay la socdaan lix ruux.

Samri oo la rumeysan yahay inuu yahay qofkii ugu da’ada weynaa ee abid xajiya ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Qofkii ugu da’ada weynaa ee hore u xajiyay ayaa waxaa ay ahayd Ibu Mariah Marghani Muhamed oo 104 sano ahayd, kana soo jeeday dalka Indonisia taasoo xajisay sanadkii 2017.

Haddii si rasmi ah loogu aqoonsado Samir inuu yahay 130 sano jir ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa dadkii ugu cimri dheeraa caalamka ee abid soo jirey,waxaana ahayd qofkii hore ugu duqsanaa ee caalamka Jeanne Calment oo geeriyootay iyadoo 122 sano jir ahayd.

SOMALI NEWS

To Top