WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynihii Gini oo u gacan galay Ciidamo Afgembi sameeyay

Muuqaalo iyo Sawiro la soo bandhigay ayaa muujiyey in Ciiddmo uu horkacayo Kolonel Mamady Doumbouya oo ku hareeraysan Madaxweynihii dalkaasi, Alpha Conde.

Sawirada ayaa waxaa kaloo ka muuqda iyadoo Madaxweyne Alpha Conde ay gaari ku kaxaysteen Ciiddankii gadooday ee Maanta weeraray Qasriga Madaxtooyada ee dalkaasi.

 Col. Mamady Doumbouya oo ah Taliye Tababar Sare siiyeen Ciiddanka Faransiiska ayaa horkacayo Afgembiga, wuxuuna xusay inay laaleen Dastuurkii dalkaasi, lana xiray Xuduudaha dalkaasi.

Madaxweyne Alpha Conde ayaa waxaa la sheegay inay Ciiddanka Afgembiga sameeyey u kaxaysteen meel ka baxsan Caasimada dalkaasi ee Conakry.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top