WARARKA SOOMAALI

Muxuu ka yiri RW Rooble heshiiska ay gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?

Ra’iisul Wasaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay heshiiska ay gaareen Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed oo mudooyinkan isku khilaafsanaa qaabkii loo maamuli lahaa doorashada xubnaha gobolada woqooyi.

“Waxaan soo dhaweynayaa isla markaana bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka Gobollada Woqooyi ee Somaliland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaan ku ammaanayaa xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen” ayuu yiri Rooble.

Waxaa uu u mahad celiyey cid kasta oo gacan ka geysatay heshiiskan iyo dedaaladii mudada badan socday.

“Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay in ay miro dhalaan dadaalladii xalka loogu raadinayay arrintan. Waxaanna rajeynayaa in heshiiska ay gaareen uu dhaqan galo, loona dhaqaaqo doorashada  xubnaha Somaliland ku matalaya labada aqal ee BFS sida ugu dhaqsaha badan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Rooble oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Magaalada Muqdisho waxa maanta heshiis ku kala saxiixday gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed kaasoo lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay ee ku saabsanaa maamulka doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi ka soo galaya Barlamaanka Federaalka.

Illa afar qodob ayay labada dhinac ku heshiiyeen kuwaasoo dhamaantood ku saabsanaa waxyaabihii markii hore la isku diidanaa.

SOMALI NEWS

To Top