WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-FAhad Yaasiin oo shuruud ku xiray Amrkii RW Rooble Dalabna u diray…

Taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa jawaab ka bixiyey amarkii ra’iisul wasaare Rooble uu uga dalbaday inuu 48 saac gudahood ku keeno warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo haatan ah kiis xiisad weyn ka abuuray dalka.

Fahad Yaasiin oo maanta Muqdisho ku soo laabtay ayay warar xog ogaal ahi sheegayaan inuu dalbaday in shir la iskugu yeero guddiga amniga qaranka, si uu uga jeediyo warbixinta ku saabsan kiiskan.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu  qoraal dalabkiisa ku saabsan u diray RW Rooble, taasoo sidoo kale la ogeysiiyey Madaxweynaha dalka Wasiirka amniga Qaranka  iyo xubno kale.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALka


Sababta Fahad Yaasiin u diiday inuu warbixinta siiyo RW Rooble weli waxba lagama oga, balse waxaa laga shaki qabaa in talaabadan Fahad uu qaaday uu ku doonayo in go’aanka laga gaarayo kiiska Ikraan aanu ku koobnaan Ra’iisul-wasaare Rooble oo kaliya.

SOMALI NEWS

To Top