WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Waftigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Degmadda Xamar Lagu-xidh ee G.Cayn-Video

Buuhoodle (Horufadhi News)-Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C.xakiin Cabdilaahi  (Camey) ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degmadda Xamar Lagu-xidh ee gobalka Cayn.

Soo dhaweynta Waftiga Madaxweyne ku xigeenka waxaa ka qayb galay maamulka Gobalka cayn oo uu Hor kacayo Gudoomiyaha Gobalka Cayn Maxamed Xasan Faarax Gudoomiyaha Golaha deegaanka Degmadda Buuhoodle  Saleebaan Aadan Cilmi dheel iyo Masuuliyiin kale.

Ugu horayn waxaa madasha soo dhaweynta ka hadlay Waxgaradka iyo Cuqaasha Deegaanka Xamar Lagu-xidh ,iyaga oo soo dhaweeyay waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland  C.xakiin Cabdilaahi  (Camey).

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland  C.xakiin Cabdilaahi  (Camey) oo Madasha soo dhaweynta khudbad ka jeediyey waxaa uu sheegay in uusan u socon Siyaasad ee uu daaran yahay ujeedka socdaalkiisa u kuur galka iyo wax ka ogaanshaha xaaladda Nololeed ee dadka ku dhaqan Gobalka Cayn,waxaa uu sheegay in uu Caawa ku hoyan doono Degmadda Xamar Lagu-xidh isla markaana,Camey waxaa uu sheegay in Dadka reer Cayn ay xaaladda ka war hayaan isla markaana ay yihiin Dad reer magaal ah,waxaana uu intaas raaciyey in ay si hoose isku waraysan doonaan inta ay wada joogaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Safarka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Buuhoodle ayaa kusoo beegmaya xili xaalada deegaanadaas oo dhan ay siyaasadeedu kacsan tahay kadib Colaada ka dhaxaysa Maamuladda Puntland iyo Somaliland ee ka aloosan Gobalka Sool,sidoo kale safarka Camey ayaa imaanaya xili uu laba casho ka hor kaga dhawaaqay Garoowe in Dagaalka Sool u sii socon doono ilaa inta Sool taako kamid ah ay joogto Somaliland.Lama oga qarshahihisa rasmiga ah ee Safarka Madaxweyne ku xigeenka Puntland balse waxaa laga yaabaa in arrinta ugu weyn tahay la tashiga iyo taageero usoo raadinta Dagalka Puntland kula jirto Somaliland.

 

SOMALI NEWS

To Top