WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo tababar usoo xidhay Ciidamadii ugu badnaa ee Somaliland, kana hadlay Dagaalka Tukaraq iyo Puntland-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jabiyeen cutubyo dhibboo ah oo ka baxay dugsiga tababarka Jadidka ee Darar-weyne, cutubyadaas oo ka mida ciidamadda Somaliland kuwaas oo uu usoo gaba gaboobay Tababar mudo halkaas uga socday.

Taliyaha dugsiga Tababarka Jadiidka Darar-weyne ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle sare Caamir Siciid Diiriye oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu dugsigaasi soo maray iyo horumarka uu gaaray, waxaana uu ammaanay ciidamada cusub ee carbiska dhammaystay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha  Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn dufcaddan katirsan ciidamada Somaliland ee maanta qalin-jabiyey bogaadiyey, waxaana uu tilmaamay inay yihiin xoog cusub oo kusoo biiray cududda qarankani ku fadhiyo, isaga ciidamadana ku sifeeyey kuwo danta guud u dabran mar walba, waxaana uu yidhi, “Dhallinyarada maanta dhammaystay tababarkii koowaad ee ciidanka waxa aan leeyahay maanta waxa aad bilowdeen nolol qiimo iyo qaayo leh oo sharaf leh oo taariikh leh oo aanu qof waliba heli karin, mid soo mara hawsheeda iyo dhibteeda mooyaane, waxkastaana waxa ay ku yimaaddaan oo uu adduunku hore ugu maraa waa is maqalka iyo kala dambaynta, Askarigana waxa la baraa adkaysiga maskaxeed, sidiisabana qofka ciidanka ahi meelkasta oo uu katirsan yahay waxa uu dadka kale kaga duwan yahay isagu dantiisa wuu iska illaawaa, waxaana uu ka shaqeeyaa danta qaranka, haddii aan ciidan jirinna qaran ma jireen.”Ayuu yidhi Muuse Bixi Cabdi oo la hadlayey Ciidanka maanta carbiska Soo dhamaystay.

Ciidamaddan maanta tababarku usoo dhaamadaay ee Somaliland ayaa kusoo aadaya xili xaalad dagaal oo adag ka dhex taagan tahay Maamuladda Somaliland iyo Puntland.

SOMALI NEWS

To Top