WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo“Magaalada Cadaado waa xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug,,-Video

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo afjaray xiisadii siyaasadeed ee ka taagneyd degmada Cadaado, kaddib markii uu saaka dib ugu laabtay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka reer Cadaado oo cabasho ka keenay heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.

Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha Cadaado ay u soo jeediyeen Madaxweynaha qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay in la caddeeyo maqaamka ay yeelaneyso Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Galmudug oo fadhi u noqoneyso Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay garoonka diaaradaha Cadaado, taasoo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Galmudug.

Odayaasha Beesha Cadaado ayaa ku qancay go’aanka Madaxweynaha iyo in la xaliyo tabashadii ay qabeen.

Madaxweynaha ayaa saacado kaddib u dhoofay degmada Hobyo, iyadoo diyaarad qaas ah ka qaaday Cadaado, maadaama Hobyo iyo Cadaado safar dhulka ah ay masaafo aad u fog isu jirto, iyadoo Madaxweynaha uu socdaalkiisa gobolada uu ku soo afjarayo Hobyo

SOMALI NEWS

To Top