WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo Ciidamadda uga digay in u fikiraan qaab Qabiil-Video+Warbixin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga digay Ciidamada inay u fikiraan qaab qabiil, isagoo ugu baaqay inay difaacaan qaranimada dalka.

Madaxweynaya ayaa sheegay in loo baahan yahay in wadaniyada laga shaqeeyo, isla markaana qofka walaalkaga ah aadan ku fogeyn qabiil.

“Askari xun ma jiro, laakiin waxaa jira sarkaal xun, maxaa yeelay ficilka askariga waa ficilka madaxdiisa, waxaa loo baahan yahay waajibaadkeena in aan gudano”ayuu yiri Madaxweynaha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo fikiro, qaab ka duwan qaababkii hore, oo aheyd wixii Soomaalida dib u dhigay oo ah qabyaalad, isla markaana loo baahan yahay in loo fikiro qaab qaran.

“Hadii qaabkii hore aan ku jirnay iyo duruufihii adkeyd aan u fikireynay oo ah qaababka guracan ee qabyaalada ama beelo, waa in aan u fakirno qaab qaran, qaranka wuxuu u baahan yahay in aan ka fikirno oo aniga ugu horeeyo, waxaa halkan u fadhiyaa umadda Soomaaliyeed, qof qabiil xafiis u fadhiya ama qof matalaya ma jiro, qofka markii uu qaranka u dhaartay qabiil wuu ka fogaaday, wax la isku dhex wadi karana ma ahan”ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay dufcadii u horeysay ee Ciidamo lagu tababaray Xerada Ciidamada Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top