WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo 17 maalmood oo uu Socdaal dhanka nabadda ah ku marayey Deegaanada Somaaliya kadib kusoo laabtay Muqdisho-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay safar qaatay labo todobaad oo uu ku tagay gobolo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo socdaalkan uu ahaa kii u horeeyay ee taariikhda Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago deegaano iyo magaalooyin dhowr ah, tan iyo burburkii dowladda dhexe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa ku soo gunaanuday degmada taariikhiga ah ee Hobyo, halkaasoo maanta duhurkii uu gaaray, isla markaana ku dhagax dhigay Dekeda Hobyo laga dhisayo iyo wado isku xireysa Hobyo iyo Caabudwaaq.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan Hobyo tagin waxaa uu saacado ku sugnaa Cadaado oo uu mar kale dib ugu laabtay, si uu u xaliyo tabashada beesha Cadaado ka qabtay heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Safarka Madaxweynaha oo bilowday 7-dii bishan ayaa ku bilaabay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, waxaana kaddib uu tagay Qardho, Boosaaso, Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, sida Koofurta Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusa Mareeb, Guriceel, Caabudwaaq, Xeraale iyo Hobyo oo socdaalkiisa ku soo afjaray.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha ku tagay gobolada dalka oo si nabdoon ugu soo dhamaaday laga soo saarayo war saxaafadeed, guulihii laga gaaray iyo dib u heshiisiintii ka dhalatay.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha ay ka dhasheen is bedelo badan iyo heerkii mucaaradadii oo yaraatay iyo Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweyn aad u weyn loogu sameeyay deegaanadii uu booqday oo boqolal dadweyne ay isugu soo baxeen

SOMALI NEWS

To Top