WARARKA SOOMAALI

Daawo: Madaxweyne Donald Trump oo ku faanay in uu guuleystay Booqashadiisii Sucuudiga iyo Qalalasaha Khaliijka-Video

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faa’ido ka helay booqashadii uu dhowaan ku tegey dalka Boqortoyada Sacudi Carabiya taasna ay tahay in wadamada Khaliijka ay cadaadis saareen dalka Qadar kaasoo lagu eedeeyay in uu taageero argagaxisada.

Trump ayaa ku tilmaamay booqashadiisii Sacudi Carabiya mid durba guul laga gaaray ayna ka soo muuqdaan ifafaale bilow u ah soo afjarida argagaxisada.

Saudi Arabia, Bahrain,UAE, Yemen,Libya iyo Maldives ayaa xiriirka u jaray wadanka Qadar, hase yeeshee dowlada Qadar ayaa beenisay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Qudbadii uu Madaxweyne Trump ka jeediyay shirkii lagu qabtay magaalad Riyadh oo  uu ku eedeeyay dowlada Iran inay ka dambeyso amni darida ka jirta Bariga dhexe isla markaana ugu baaqay wadamada Muslimiinta inay hogaamiyaan sidii loola dagaalami lahaa argagaxisada ayaa loo arkaa inay ku dhiirigelisay isbahaysatada Khaliijka inay ka soo horjeestaan dowlada Qadar.

“Safarkeygii dhowaan aan ku tegey Bariga Dhexe waxaan sheegay in aysan sii socon karin maalgelinta mabda’a asalraacnimada,hogaamiyaasha waxa ay tilmaameen Qadar. Bal Eeg!”ayuu  Mr Trump ku soo qoray bogiisa Twitter maanta.

Wax yar kadibna waxa uu sii raaciyay; “Waa ay wanaagsan tahay in aan arko in booqashadii Sacudi Carabiya uu miro dhalayo. Waxay ii sheegeen inay tallaabo qaadi doonaan sidoo loo joojin ahaa maalgelinta argagaxisada,dhammaan waxa ay tilmaameen Qadar. Waxaa laga yaabaa in ay tan tahay bilowgii baabi’inta argagaxisada waxshiga ah!.”

Hase yeeshee dowlada Maraykanka ayaa waxa ay ku leedahay wadanka Qadar saldhigga ugu weyn ee ciidamada cirka Bariga Dhexe waxaana ku sugan ciidamo gaaraya 8,000.

Taliyaha ciidamada cirka ee dowlada Maraykanka Heather Wilson ayaa u sheegay Senatarada dalka Maraykanka in saldhiga ay ku leeyihiin dalka Qadar uu si caadi ah u shaqeynayo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top