WARARKA SOOMAALI

Daawo:Axmed Madoobe oo si lama Filaan ah uga hadlay Hub ka dhigista Muqdisho iyo Go,aankii Farmaajo oo-Video

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si weyn utaageeray qorshaha ay dowladda Soomaaliya ka bilowday Muqdisho ee hubka looga dhigayo xubnaha hubeysan.

Isagoo la hadlayay saxaafada kadib booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Kismaayo ayuu sheegay in xasiloonida dalka ay ku xiran tahay in dalka laga waayo hub sharci daro ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in talaabo wanaagsan ay tahay in hubka dhigistaas uu saameeyo masuuliyiinta xilalka ka haya dowladda kuwaas oo ilaalo badan sameystay halis xoogana ku ah shacabka.

 

“Waxaan ku talin lahaa in howlgalada noocaan ah sii socdaan, maxaa yeelay waa mid lagu si feyn karo dowlad wanaag”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu rajeynayo in guud ahaan goboladda Soomaaliya uu gaaro howlgalkaan si hubka uu ugu jiro kaliya gacanta dowladda.

Hadalka kasoo baxay Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xili dhawaan ay dowladda Soomaaliya bilowday qorshaha hub ka dhigista Muqdisho taas oo ah mid lagu xasilanayo amaanka magaaladda.

SOMALI NEWS

To Top