WARARKA SOOMAALI

Daawo:Koob Kubadda Cagta ah oo lagu Maamuusayo Alle ha unaxariistee Saado Cali Warsame oo ka socda Muqdisho-Video

Koobkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka Ardayda Daraawiisheed ee Waxka barata Gobolka Banaadir ee Magaciisa Loosoo gaabiyo (DSU), Waxaana lagu maamuusay AHUN Fanaanad Qaran ahayd Xildhibaanad Saado Cali Warsame.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Koobkan ayaa waxaa ku tartami doono 70 kooxood oo ka kala dhisan Degmooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana Munaasibada Furitaanka kasoo qayb galay Bahda Ciyaaraha, Aqoonyahano, Ganacsato iyo Kooxaha Tartanku u dhaxeeyo waxa uuna kafurmay Garoonka Beerta Nabadda ee Degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha Ururka Ardayda Waxka barata Gobolka Banaadir Ee Ka soojeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Cumar Shiekh Mubaarak waxa uu sheegay in u jeedka Koobkan uu yahay Isdhexgalka iyo Isbarashada Ardayda waxka barata Jaamacadaha kala duwan ee kuyaala Gobolka Banaadir iyo Xusuus iyo duco loosamaynayo ALLA HA U NAXARIISTE Xil. Saado Cali Warsame.

SOMALI NEWS

To Top