WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmiya Xadhiga uga jaray Hawadda Soomaaliya oo Muqdisho laga maamuli doono-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo markii u horeysay muddo 27 sano kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xilligan ka socota Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada ayaa Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat.

Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa Munaasabadda ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO.

SOMALI NEWS

To Top