WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif oo mar kale Muuse Biixi fariin u diray kuna adkeynaya fulinta Heshiiskii Caynaba-Video

Iyadoo dhawaan maamulkii Khaatumo uu Heshiis la galay maamulka Somaliland Cali Khaliif Galeydh Wuxuu ka hadlay Heshiiska dhacay iyo isbedelka ku imaaday maamulka Somaliland ayaa waxa uu Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi u diray fariin ku aadan Heshiiska.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Galaydh waxuu Hogaamiye Muuse Biixi ka dalbaday inuu fuliyo heshiiskii Maamulkiisa ay horey ula galeen maamulkii Axmed Siilaanyo, Wuxuuna sheegay inay muhiimad gaara leedahay in lasii wado Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland, waxa uuna ku baaqay inaan la dayicin Heshiiska guuleystay.

Wuxuu cadeeyay in Muuse Biixi ay is arkeen mudadii lagu guda jiray ololaha doorashada, hase ahaatee ay dib
dhigteen kawada hadalka arimaha labada dhinac, Wuxuuna sheegay inay Muuse Biixi Cabdi ay uga fadhiyaan dhaqan gelinta heshiiskii ay wada gaareen Maamulada Khaatumo iyo Soomaaliland.

Sidoo kale, Galeydh waxa uu tilmaamay in Somaliland ay tahay mid aan loo dhameyn loona baahan yahay in la sameeyo Cadaalad iyo sinnaan, isaga oo sidoo kale ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Xasiloonida degaanada Somaliland, Siduu hadalka u dhigay.

SOMALI NEWS

To Top