WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Mamulka Puntlland C/weli Gaas“Soomaaliya ma ahan Muqdisho, Muqdishana ma ahan Soomaaliy”-Video

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta kaga hadlay arrimo badan, isagoo sheegay in Imaaraadka Carabta yahay dalka ugu weyn ee taageera maamulkiisa.

C/weli Gaas ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo soo jireen, iyo xiriir ganacsi, isagoo xusay in markii uu dhacay burburka ay inta badan Ganacsatada Soomaalida ay hantidooda geysteen, kumanaan kale oo Soomaali ay ka shaqeystaan.

Waxaa uu soo hadal qaaday heshiiska ay Puntland la gashay DP World, kaasoo uu sheegay inuu yahay mid maalgashi oo wax weyn ka taraya horumarka iyo in dhalinyarada ay ka helaan shaqooyin.

C/weli Gaas ayaa ka sheekeeyay taariikhda iyo aas aaska Puntland, isagoo tilmaamay in la aas aasay sanadkii 1998, halka dowladda Federaalka la soo dhisay sanadkii 2004-tii, waxaa uu xusay in dalka uu qaatay Federaal.

Mr Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uu xaq u leeyahay inuu galo heshiisyo dowlado shisheeye, isagoo soo qaadanayay qodobo ka mid ah dastuurka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan aheyn Muqdisho oo kaliya, Muqdishana aanay aheyn Soomaaliya oo ugala jeeday in wax walba oo rabitaanka iyo danaha maamulkiisa ama kuwa gobolada kale aanay ku xirneyn Muqdisho.

Hadalka ka soo yeeray C/weli Gaas ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu heerkii ugu xumaa uu marayo xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta oo gebi ahaanba joojiyay howshii tababarka iyo taageerida Ciidamada, halka Maamul goboleedyada ay xilligan daneynayaan inay ka faa’ideystaan in xiriirkaas go’ay ee Muqdisho iyo Abu Dhabi inuu dhankooda si toos ugu soo wareegto.

SOMALI NEWS

To Top