WARARKA SOOMAALI

Cabdiweli Muudey oo Baarlamaanka Soomaaliya u qaybiyey Dastuurkii uu sheegay in la xaday-Akhriso

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka u qeybiyay nuqul ka mid ah dastuurkii uu sheegay in la xaday, kaasoo ahaa kii ay ansixiyeen Ergadii Soomaaliyeed sanadkii 2012.

Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay nuqulkan oo ay ka muuqdeen qodobo ay isku raaceen lixdii Hoggaamiyeyaasha saxiixayaasha Road Map-kii dalka looga saarayay Kumeel gaarka.

Hase ahaatee arrimaha layaabka leh ayaa waxaa ka mid ahaa in qodobada qaar ee nuqulka dastuurka uu soo bandhigay inay ku qorneyd mudada xil heynta Madaxweynaha ay tahay 5-sano, halka Dastuurka KMG ee xilligan lagu dhaqmayo uu yahay 4 sano.

Sidoo kale qodobka kale ayaa ka mid ah in Madaxweynaha uu kala diri karo Baarlamaanka, waxaana dastuurkan nuqulka ah ee uu soo bandhigay Guddoomiye Muudey la filayaa inuu ka dhasho doodo.

Xildhibaan Cali Balcad oo soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada dowladdii Xasan Sheekh ayaa sheegay in docementiga maanta loo qeybiyay uu yahay midkii ay saxiixeen lixda hoggaamiye ee saxiixayaasha hab raacii dalka looga gudbayay xilliga KMG, isla markaana uu ahaa heshiis siyaasadeed, kaasoo markii dmabe loo gudbiyay ergo gaareysay 850 ergo, kuwaasoo ansixiyay dastuurka saxda ahaa ee dalka lagu soo maamulayay lixdii sano ee la soo dhaafay.

 

Hase ahaatee waxaa uu su’aal ka keenay waxa xilligan loo gelinayo shakiga aas aaskii uu qaranka ku taagnaa, iyadoo dalka uu wajahayo mushkilado aad u ballaaran oo ay ugu weyn tahay xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in hadalkii 21-kii bishan ka soo yeeray Guddoomiye Muudey ee ahaa in la xaday dastuurka ay u muuqatay mid tashwiish hor leh lagu gelinayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo in looga mashquuliyo Xildhibaanada in marka la doorto Guddoomiye Baarlamaan in mooshin laga keeno Xukuumadda.

SOMALI NEWS

To Top