WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Qardho ku wajahan-Video

Laascaanood ( HM ) Magaaladda Qardho waxaa soo gaadhay Wafdi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka socday Puntland, kuwaas oo Hordhac u ah Safarka Madaxweynaha Puntland ee gobalka Karkaar.

Siciid Cabdullaahi Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa hogaaminaya wafdiga shalay gaaray Magaaladda Qardho.

Wasiirada ayaa siwayn uga hadlay xaalada Puntland iyo Sida looga wada shaqayn lahaa Amniga Gobolka Barri iyo Qardho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Qardho waxay caan ku tahay la dagaalanka kooxaha Xagjirka ah, Waxaanu Salaan idiinka sidnaa Madaxwayne Siciid Deni, Hadii aan la helin Amniga lama heli doono Horumar.” Ayuu yidhi Cabdisamad Galan.

Dhinaca kale Waxgaradka Iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Fariin u diray madaxda Puntland ee soo gaadhay Qardho.

SOMALI NEWS

To Top