WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Muqdisho jooga

Laascaanod  ( HM)  Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa ku sugan magaalada Muqdsiho ee caasimada Soomaaliya.

Siyaasiyiintan ayaa hore waxay uga soo shaqeeyeen Dowladdii Madaxweyne Daahir Rayaale, oo ay ka qabteen xilal sar-sare, kadibna waxay ku biireen xisbiga hadda talada haye ee Kulmiye,waxayna xilal kasoo qabteen  xukuumadii Siilaanyo.

Siyaasiyiinta Xamar ka degay ayaa kala ah: Xasan Daahir Dhimbil oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Keyse Guray oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo weliba Khadar Axmed Diire oo isagna ahaa Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland.

Xogt aan helnay, ayaa waxay sheegaysa in Siyaasiyiinta ay Xamar uga dageen inay usoo sahmiyaan Kulmiye iyo Xukuumada Biixi, ayada oo aan la ogeyn xaqiiqda dhabta ah ee Safarkooda.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay inay yihiin siyaasiyiin shaqo doontay, oo aan xisbiga ka mid ahayn. Si kastaba, weli ma jirto meel ay ka sheegen in Xisbiga Kulmiye kaga baxeen, mana jirto meel kulmiye ku sheegay in uu xisbiga ka caydhiyey masuuliyiintas.

Xisbiga Kulmiye ayaa Wakhtigii ololaha uu ugu jiray doorashada madaxtinimada Somaliland ku eedeyn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI in uu yahay Soomaaliweyn oo siyaasiyiintodu tagaan Xamar, maantase waxa soo if-baxeysa in Xisbul Xaakimka Kulmiye uu isagu laftigiisa siyaasiyiintiisa u dirsado

 

SOMALI NEWS

To Top