WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Farmaajo“Labadii sano ee aan joogay 22 Bilood Mushaaraadka Ciidamada ayaan bixiyey”-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlayay saraakiisha ciidamada xooga ayaa shaaciyay in muddo 22 Bilood ah oo u dhiganta sanad iyo 10 bilood in dowladiisa ay si toos ah u bixineysay mushaaraadka ciidamada.

Wuxuu qiray in ciidamada aysan qaadan mushaaraadkooda ku dhawaad seddex bilood isaga oo sheegay in meelo kale lagu mashquulay, balse labada sano ee u haray dowladiisa in xooga la saari doono sidii ciidamada xaqooda loo siin lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in cadowga Dibadda ay doonayaan in Soomaaliya ay sidaan kusii jirto, islamarkaana ay taasi ugu wacan tahay goobta muhiim ah ee dalkeena uu ku yaalo.

“Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadaw aad u farabadan mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada Soomaaliya inay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Aduunka oo dhan waxa alla wixii kaa awood badan waxa ay rabaan inay ku maamulaan waana ku dagaalsan yihiin, waxaa ay heystaan dad walaalaheen ah oo shaqada u qabanayo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isaga oo sii hadlayey waxa uu sheegay in ujeedada ka dambeysa ay qeyb ka tahay in damiirkii Soomaalinimo aad meel iska dhigto oo waxwalba aad haa tiraahdo, sidoo kalena la iska gurto kheyraadka ku jira dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu saraakiisha ciidamada ka dalbaday inay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab, isaga oo u balanqaaday in joogto loosiin doono xuquuqdooda.

SOMALI NEWS

To Top